Beelo ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Galgaduud oo heshiis gaaray.

0
106

Wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa sheegaya in heshiis rasmi ah laga gaaray xiisad colaadeed oo u dhaxeysay laba maleeshiyo  beelood.

Beelaha heshiiska gaaray ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dilal la xiriira aanooyin qabiil waxaa ay isugu geysteen Deeganada Bangeele Iyo Xinjilab, iyadoona shalay arintaasi lagu guuleystay.

Goobta ay heshiiska ka dhacaysay ku sugnaa Waxgaradka labada Beelood iyo Taliyaha Ciidanka qeybta 21aad Cabdul Casiis Cabdulaahi Gooje iyo Taliyaha Ciidanka DANAB ee qeybta 21aad Muqtaar Cabdulle Xuseen,kuwaas oo qeyb ka ahaa heshiiska  maleeshiyaadka dagaalamay.

Casiis Cabdulaahi Gooje  Taliyaha Ciidanka qeybta 21aad Cabdul ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo maleeshiyaadka dagaalamay inay fuliyaan qodobada heshiiska si ay nabad ugu wada noolaadaan shacabka  ku nool deegaanada lagu dagaalamay.