{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Waare Oo La kulma Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

0
90

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Jowhar Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaasi gaarey.

Kulanka ayaa looga hadlay dadargalinta iyo ka faaideysiga mashaariicyada horumarineed ee UNka, waxaana sidoo kale wafdiga Qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Africa Ee Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira.

Waare ayaa Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya ka dalbaday in Hay’adaha UN-ka ay Maamulka hir-Shabeelle ka caawiyaan ka hortaga fatahaadaha ka dhaca deegaannada Maamulkaas.