{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda UNICEF

0
152

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa Magaalada muqdisho uu kulan kula qaatay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya  Werner.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo qodobo kale sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada.

“Waxaan maanta kulan kula qaatay magaalada muqdisho wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya,mr Werner,waxaana ka wada hadalnay mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka inay isla garteen sidii loo sii xoojin laheyn xariirka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda UNICEF.