{DHAGEYSO} Ciidamada AMISOM oo Xiray Odayaasha Dhaqanka Bulo-burte Iyo Sababata Odayaasha Looxiray

0
155

Ciidamada AMISOM Gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay sadax kamid ah Odayaasha dhaqanka dagmada bulo burte oo ka so horjeesatay maamulka hir-shabelle gudoomiyihii loo so magacaabay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa sheegay inay xireen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo ku sugan dagmada Bulo burte

 

Xariga odayaasha ayaa ka danbeyay markii ay ka so horjeesteen imaasha wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Hir-shabelle Maxamed Cali caadle oo lagu waday in uu biri tago Dagmada Bulo burte.