Dowlada Mareykanka oo Markii ugu Horeysay baddelaayo qorshaha uu ku wajoho Al-shabaab.

0
261

Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamo ka socda loo dirayo Soomaaliya islamarkaana isbadal lagu sameyn doono  siyaasadda Mareykanka ee la dagaallanka Ururka Al-shabaab.

Petagonka Mareykanka ayaa qorsheynaya in xaddidaadda laga qaado Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya kuwaas oo hadda kaliya loo ogolyahay in ay weerarro cirka ah ka geystaan Soomaaliya.

Saraakiil qariyay magacooda kana tirsan Wasaaradda difaaca Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Pentagon-ka uu codsi u diray Aqalka Cad iyo Golaha wakiillada Mareykanka.

Codsigaas ayaa sheegaya in la ballaariyo awoodda Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya loona ogolaado in ay dhulka kala howlgalaan Ciidamada Soomaaliya ee fulinaya weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraal sare oo ka tirsa Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ee hadda ka howlgala Soomaaliya ay yihiin tababaraal fadhigoodu yahay Balli doogle, hayeeshee haddii codsigooda loo tixgeliyo ayuu sheegay in ay ka qeybqaadanayaan howlgallada dhulka ah ee ka dhanka ah AL-shabaab.

Gen. Thomas Waldhauser Taliyihii hore ee Africom, Wareysi siiyay AP ayaa sheegay in isbeddel weyn ay ku sameynayaan habka ay hadda u wajahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,hayeeshee waxaa uu ka gaabsaday in uu tilmaamo qaabka ay u howlgalayaan.

Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa markii uu xilka qabtay amar ku bixiyay in la kordhiyo weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab ee dhinaca cirka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu ku laayo dad rayid ah islamarkaana Taliska Mareykanka ee Afrika uu dafiro khasaaraha ka dhasha weerarradiisa Soomaaliya.