FAAH FAAHIN 8 qof oo lagu dilay weerar dhacay waqooyi Bari dalka kenya.

0
120

 

werarkaan ayaa looga shakiyay in ay geysteen Dagaal yahanada Al shabaab kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada Kenya waxana wararka ka dhacay deegaanka Wargaduuduu oo ka tirsan Ismaamulka Wajeer.

Madaxa Nabad galyada Ismaamulka Wajeer Lordfey kibara ayaa xaqiijiyey Dhimashada 8 qof oo Rayid ah iyo dhaawaca tiro kale,

Wararka ayaa sheegay in Dilkan ay geysteen Koox looga shakisan yahay inay yihiin Dagaalyahano Ururka Al shabaab ka tirsan.

Baska Madina oo ah Gawaarida shacabku adeegsadaan una kala Goosha Magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ayaa ah kan la weeraray.

Xiisad kacsanaana ayaa ka jirta Deegaanka Katulo wararka kale waxa ay sheegayaan in Kooxda weerarka geystay ay dadka kala Sooceen ka hor inta aysan dadka la layn.