FAAHFAAHIN; Weerarkii xalay ka dhacay HOTEL SYL ee Muqdisho

0
177

Warar dheeraad ah ayaa kasoo kasoo baxaya weerar dagaalamayaal katirsan al-shabaab ay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada muqdisho kaasi oo lasoo gabagabeeyay xalay saqdii dhexe.

Weerarkaan lagu qaaday hoteelka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo masuuliyiin katirsan dowladda soomaaliya.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday gelinkii hore ee maanta Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayay ku sheegeen in khasaaruhu uu yahay 6 dhimasho oo iskugu jira askar iyo dad dad shacab ah halka dhaawacuna ay ku sheegeen illaa iyo 9 ruux.

Xidhiidho kala duwan oo Idaacadda Kulmiye ay la sameysay goobaha caafimaad ee la geeyay dadkii ku waxyeelloobay weerarkii xalay, ayaannu ku ogaannay in tirada khasaaraha uu ka badn yahay intii dawladu ay shaacisay.

Mid ka mid ah goobahaasina waxa ay noo sheegeen in 10  ruux oo dhaawac ah loo keenay, kuwaas oo iskugu jiray dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.

Dhanka kale Al-Shabaab oo bayaan ka soo saaray weerarkii xalay waxa ay sheegeen in ay ku dileen ilaa 25 ruux.