Fatahaad laga cabsi qabo mar kale in ay ku dhufato Beledweyne

0
169

Wabiga Shabeelle ee mara bartahah magaalada baladweyne Gobolka Hiiraan ayaa markale waxaa uu bilaabey in uu fatahaad ku sameeyo Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne, iyada oo dadka ay markale  barakacayaan.

Qoysas dhawaan uun soo guryo noqday ayaa hadda bilaabay mar kale in ay uga barakacaan xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo wax ka yar 1 mitir u jira heerka cabirka guud  Fatahaadda.

Sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka waxaa mar kale dib uga curtay Roobab Lixaad leh degmooyinka Buula-burte iyo Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan. ayaa kamid ah meelaha ay Roobabka kada een

Dadka ku dhaqan deegaannada Mustaxiil Qalaafe iyo Buur -Ukur oo ka wada tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xiriiro kala duwan lala sameeyay ayaa sheegaya in ay jiraan biyo xoog leh oo waddo Wabiga taasoo sare u sii qaadeysa baqadinta ay ka qabaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne qabaan Fatahaaddo hore leh oo ku dhufta.