Khasaaro dhimasho iyo dhawac ka dhashay Banaabaxii Buulo Burde ka dhacay

0
184

Ciidamada Amisom Qeybtooda Degmada Buulo_Burte Ayaa waxey Rasaas Ku Fureen Dad Ku Dibad baxayay mid kamid ah Xaruumaha AMISOM Ay ka dagan tahay Buulo_Burte gaar ahaan (Hotel Camaloow) Waxana Ku dhintay hal qof  sido kale Waxaa Ku dhawacmay iyo qof kale oo shacab ah.

Xaalada Degmada Buulo Burte ayaa manta kacsan kadib markii shacab farabadan oo ka careeysay wafdi ka socda Maamulka Hirshabeelle ay xireen wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalay degmada.

Wafdi oo hogaaminyey Wasiirka arimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa manta lagu waday in uu gaaro Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.