Lix arrimood oo naadir ah oo ku saabsan Wabarka beesha Dagoodiye

0
182

Wabarka beesha Dagoodiye, Wabar Cabdile Wabar Cabdi oo maalma kahor si aad ah loogu soo dhaweeyay Kenya ayaa la kulmayay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Boqorka oo soo dhaweyntiisa iyo hab maamuuska ay u muuqdeen kuwo ka duwan boqorada iyo ugaasyada kale ee Soomaalida. Waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa lixsiyaabood oo uu kaga duwan yahay odayaal dhaqameedyada Soomaalida.

Wabarka beesha Dagoodiye wuxuu la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo sheegay: “Waxaan u baahan nahay in aan wada noolaano inagoo walaalo ah oo xushmeyneyno dhammaan bulshooyiinka gobolka.”

1. Keligii hogaamiye dhaqameed

Wabar Cabdile wuxuu hoggaamiye dhaqameed u yahay dhamaan beesha uu ka dhashay ee ku kala nool bariga Afrika iyo kuwa ku nool qeybaha kale ee dunida, Wuxuuna mas’uul ka yahay hawlaha beesha.

“Wuxuu mideeyaa dhammaan reerkaas meel walba oo ay dunida ka joogaan, wuxuu leeyahay wakiilo isaga uu u wakiisho xalinta dhibaatooyinka ka taagan deegaanada reerka uu dego, kuwaas oo u fariista garta deegannaada fogfog ee uusan gaari karin wabarka”, ayuu yiri afhayeenka Wabarka, Macallin Cumar Macallin Bisin.

Arrinta waxaa loo arkaa in ay ka duwan tahay qaabka ay qaar ka mid ah beelaha kale ee Soomaalida u sameystaan oday dhaqameedyada iyo sida ay u howlgalaan.

Waxay beel walba meesha ay deggan tahay ku sameysataa oday dhaqameed hadba ka taliya danaha reerkaas iyo halka ay degan yihiin, waxaana mararka qaar la arkaa dad isku beel ah oo ku kala nool deegaanno kala duwan in ay yeeshaan odayaal dhaqameedyo badan oo aan isla howlgalin, sida ay qabaan dadka khubarada ku ah arrimaha dhaqanka Soomaalida.

2. Go’aan gaarista ugu dambeysa

Afhayeenkiisa ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in Wabarka uu leeyahay gole guurti oo la shaqeeya, kuwaas oo u soo gudbiya waxyaabaha ay tahay in uu go’aan ka gaaro.

Marka ay timaado go’aan gaarista arrimaha beeshiisa, wuxuu sheegay in Wabar Cabdile uu yahay qofka ugu dambeeya ee go’aankaas gaari kara.

Wuxu intaa ku daray in inkastoo odayaasha dhaqanka marka hore loo gudbiyo arrintan oo ay soo jeediyaan talada ay u arkaan in ay tahay macquul, haddana wixii uu Wabarka ku qanci waaya, wuxuu xaq u leeyahay in uu gaaro go’aan aanan laga daba hadli karin, wax racfaan ahna aanan laga qaadan karin.

Waa naadir in qaar ka mid ah beelaha Soomaalida lagu arko oday dhaqameed beeshiisa u gaara go’aanka kama dambeysta, oo waxaa inta badan la arkaa in odayaasha ay ku dhaqaqaan tala loo dhan yahay.

3. Hadalkiisa ma badna ee wuu duceeyaa oo keli ah

Inta badan odayaasha dhaqanka ee Soomaalida waa kuwa marka ay hadlayaan aad loo dhageysto, wakhti badan la siiyo, aadna ugu dheeraada hadalka.

Wabar Cabdile Wabar Cabdi waxay dadka ehelka la ah ay shegeen in uusan ahayn qof hadal badan oo uusan ahayn qof khudbad jeediya ama aad ugu hadla xafladaha iyo shirarka.

Taas bedelkeeda, wuu ka duceeyaa goobaha la isugu yimaado ee munaasabadaha ay ka dhacayaan. Wuxuu leeyahay afhayeen u hadla oo warbaahinta iyo meelaha hadalka looga baahan yahay ka hadla, kaas oo ay BBC-da la hadashay.

Tusaale ahaan, markii ay BBC Somali ay isku dayday in ay wareysi la yeelato Wabarka, waxaa naloo sheegay in uusan hadlin oo uu leeyahay afhayeen wixii hadalna loo wakiishay.

4. Wuxuu leeyahay lataliyeyaal

Wabar Cabdille Wabar Cabdi, waxyaabaha kale ee uu kaga duwan yahay boqorada ama salaadiinta kale ee Soomaalida waxaa ka mid ah in uu leeyahay lataliyeyaal isaga u gaar ah oo kalataliye arrimaha isku dhacyada qoysaska, bulshada iyo wixii la mid ah.

“Wuxuu leeyahay 14 lataliye oo kala taliya arrimaha beesha, waxaana dadkaas laga soo kala xulay jilibyada reerka, kuwaas oo sidoo kale leh guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye, balse go’aanka ugu dambeeya isaga ayaa iskaleh”, ayuu raaciyay afhayeenka Wabar, Macallin Cumar oo hadda ka mid ah wafdiga Wabarka ee ku sugan dalka Kenya.

Lataliyeyaasha 14-ka ayaa isugu jira aqoonyahano, culimo, odayaal dhaqameed, ganacsato iyo xoola dhaqato, waxaana tiradooda lagu saleeyay hadba sida ay reerka uu ka dhashay ay u kala badan yihiin.

5. Dhaqaalaha gaarka ah ee Wabarka

Inkastoo sida afhayeenka Wabarka uu sheegay uu leeyahay xoolo nool, oo uu xoolihiisa raacdo, haddana beeshiisa ayaa marwalba la garab taagan xoolo joogta ah, hanti ahaanna uu u leeyahay guri, babuur, lix boqol oo neef oo geel ah, ari gaaray kun neef iyo saddex boqol oo neef oo lo’ ah, sida uu sheegay afhayeenka.

Way dhacdaa mararka qaar in beelaha soomaalida ay taageero dhaqaalo siiyaan odayaasha dhaqanka, balse way adag tahay in la arko beel Soomaali ah oo dhaqaale joogta ah la garab taagan oday dhaqameedka.

Caafimaadkiisa, noolashiisa iyo waxyaabaha asaasiga ah ee Wabarka uu u baahan yahay, waxaa damaanad qaaday tolka uu ka dhashay, kuwaas oo sannad walba siiya xoolo nool, lacag iyo baabuur.

6. Siyaasadda shaqo kuma lahan

 

Sannadihii la soo dhaafay, odayaal badan oo Soomaaliyeed ayaa aad ugu dhex milmay siyaasadda, taas oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in ay ka duwan tahay waxyaabihii dhaqanka ahaa ee lagu yaqiinay odayaasha dhaqanka ee Soomaalida.

Wabar Cabdile, waxaa la sheegay in uusan marnaba faragelin hawlaha siyaasadeed ee beesha uu ka dhashay ama beelaha kale, taas oo ka duwan waxyaabaha sanadahan dambe looga bartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

“Wabarka siyaasad wax shaqo kuma lahan, sababtoo ah siyaasadda way iska caddahay oo hal dhinac ayaad la safaneysaa, isaguna ma doonayo in xurmada, karaamada iyo wanaagga ay ummadda u hayaan uu lumiyo, wana taas sababta uusan usoo faragashanin arrimaha siyaasadda”. Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Afhayeenka Wabarka

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay xafladda lagu soo dhaweynayay Wabar Cabdile ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee Soomaaliya ay waxbadan ka baraan karaan Wabarka beesha Dagoodiye.

XIGASHAO BBC