Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Puntland?

0
218

Shirka gollaha wasiirada maamulka Puntland oo uu shir gudoomiyey madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagaga hadlay qodobo dhowr, waxaana Axmed Karaash uu shaaciyey in Garowe lagu qaban doono shir weyne balaaran.

Shirkani ayaa ah jihaynta siyaasada xukuumadda oo la qorsheeyey in la qabto bisha Saddexaad ee sanadka soo socota, waxaana sidoo kale shirkii maanta warbixin lagaga dhagaystay wasaaradda Amniga Puntland oo sheegtay in amaanka Puntland uu wanaagsan yahay.

Qodobo kale ayaa lagaga hadlay oo ay kamid yihiin arimaha siyaasada, xaaladaha Puntland iyo qorshayaasha xukuumadda, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntland