Maxkamada sare ee soomaaliland oo go’aan ka soo saartay dacwad ka dhan golaha Guurtida

0
207

Maxkamada sare ee soomaaliland ahna maxkamada dastuuriga ah ayaa maanta qaraar ka soo saartay dacwad ka dhan ah golaha guurtida oo ay u gudbiyeen siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland.

Qoraal ka soo baxay maxkamada sare ee somaliland, ayaa waxay ku diiday inay dhagaysato dacwadii ay u soo gudbiyeen siyaasiyiinta madasha wada tashigu, taas oo ka dhan ahayd golaha guurtida.

Maxkamada ayaa qaraarkeeda ku xustay inaan madasha wada tashigu ahayn hay’add diwaan gashan isla markaana aan la dhagaysan Karin dacwad dastuuri ah oo ay soo gudbiyeen.

Sidoo kale garyaqaan guuleed Dafac oo ka mid ah sharci yaqaanada somaliland ayaa faah faahiyey qaraarka ka soo baxay maxkamada, isaga oo cadeeyey in fursad labaad oo ay siyaasiyiinta madashu ku sii wadi karaan dacwada ka dhanka ahayd mudo kordhinta ay sameeyeen golaha guurtidu.