Muwaadin Soomaaliyeed oo dil ka geystay Jaziirada Malta

0
83

Muwaadinka Soomaaliga ah ayaa ku nool Jaziirada Malta,isla markaana uu qaxooti ku ahaa,waxana uu halkaasi ku dilay Nin u dhashay wadanka Ereteria.

Soomaaliga dilka u geystay Ninka Ereteriyanka ayaa waxaa lagu Magacaabaa Keynaan Cabduqaadir oo 23 jir ah,waxaana dilka xilli habeen ah uu ka dhacay deegaanka  Tiriq Dicembru Teletakis ee ay ku taallo Xerada Qaxootiga Marsa Open Camp ee dalkaasi.

Dilka ayaa yimid,kadib markii Muwaadinka soomaaliga ah uu dhowr jeer maqas laabta kaga dhuftay Ninka u dhashay Ereteria,taas oo sababtay in uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Booliska Malta ayaa eedeysanaha Soomaaliga waxaa ay u gudbiyeen Maxkamad,isaga oo beeniyey dilka lagu soo eedeeyey sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda oo lagu Magacaabo Joseyye Demicol.

Saddex Alifle ka tirsan Maxkamadda ayaa sheegay in eedeysanaha Soomaaliga ah uu dambiyo badan horay u galay balse haatan loo heysto dilka Ninka u dhashay wadanka Ereteria.

Booliska Jaziirada Malta ayaa la sheegay in baaritaanka kiiskaan uu gacan weyn ka siiyey Nin u dhashay dalka, iyada oo ay u fududaatay inay gacanta kusoo dhigaan,isla markaana Maxkamad horgeeyaan Keynaan Cabduqaadir.

Maxkamada Jaziirada Malta ayaa waxaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan xukunka lagu ridayo eedeysanaha Soomaaliga ah ee loo heysto dilka Nin u dhashay wadanka Ereteria.