Puntland oo markale xirtay Nabadoono kale

0
123

Ciidamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa markale labo Nabadoon waxaa ay ku xireen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Labada nabaddoon ee la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Axmed Rooble iyo nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Nabaddoonada xabsiga loo taxaabay, ayaa kamid ahaa odayaal iyo Siyaasiyiin Jimcihii la soo dhaafay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka fulin.

Todobaadkan ayaa magaalada Boosaaso waxaa lagu xiray nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe iyo nabaddoon Cawad Maxamed Faarax oo kamid ahaa waxgaradkaasi, iyadoona maalin ka hor la xiray  Dr Muuse Cali Jaamac oo isna raggaasi kamid ahaa.