WAR DEG DEG AH Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Degmada Awdheegle

0
124

Wararka aan ka heleyno Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhaca Qarax Xoogan, kaasi oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay Maxamed Yarow oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Awdheegle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Janax ayaa Goordhow xaqiijiyay in qarax lagu dilay Guddoomiye Maxamed Yarow