Wax ka ogoow Siyaasiyiinta Shaki geliyay in la fududeeyay weerarkii xalay HOTEL SYL

0
275

Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal hore soo maray, iyo qaar hadda xil ka haya dawladda Soomaaliya ayaa shaki geliyay in Al-Shabaab loo fududeeyay weerarkii ay xalay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada Muqdisho.

CabdiKariim Xuseen Guuleed oo mar soo noqday madaxweynaha  maamulka Galmudug iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxa ay sheegeen in Shababaabkii weerarka kusoo qaaday xalay  HOTEL SYL loo fududeeyay inay halkaasi ay gaaraan maadaama HOTEL-ka uu ku yaallo goob amnigeeda si aad ah loo sugo islamarkaana loo soo maro dhowr barkoontarool oo ciidamo Koofiya Cas ah ay ku suganyihiin.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdi Salaam Guuleed aya sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda ammaanka guud e dalka ayna jiraan Al-Shaabab qorsheyaal cusub oo goor waliba ay adeegsadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay bilaabay burburinta bambaanooyin Al-Shaabab ay kaga tageen gudaha HOTEL-ka inta uu socday weerarkii xalay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkii xalay iyo khasaarihii ka dhashay , inkasta oo ciidamada amniga ee gacanta ku haya HOTEL SYL ay warbaahinta u diideen in ay gudaha u galaan, si ay u soo tebiyaan wararka xaqiiqda ah ee ka jira halkaasi.