Weerar ka dhacay isbitaal ku yaala dalka Jeeg

0
146

Nin hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay 4 ruux 2 kalena dhaawacay kadib markii uu rasaas ku furay dad ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taala magaalada Ostaraafa ee dalka jamhuuriyadda Jeegga.

War booliska kasoo baxay ayaa lagu sheegay in nin ku hubeysnaa qori  nooca daran dooriga u dhaca ah uu gudaha u galay isbitaal ay bukaano badan loogu  adeegayay kadibna uu furay rasaas aan loo meel dayin taasoo sababtay dhimashadda 4 ruux.

Ruuxa weerarka geystay ayaa baxsaday sida boolisku sheegeen waxaana isbitaalka la geeyay ciidamo dheeraad ah.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jeega Jaak Hamaseek ayaa twiterkiisa ku qoray in ciidamadu bilaabeen hawlgal ay ku baadigoobayaan ninkii weerarkaas geystay.

Ciidamada amaanka ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaaladda uu weerarkaan ka dhacay oo u dhaw  xaduuda uu dalka Jeega la wadaago dalka Poland.