Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergeyga Qaramada Midoobay oo kulmay

0
71

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulankan ayaa la iskula soo qaaday qodobo kala duwan oo ay ka mid ahayd doorashada lagu wado in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska ergeyga wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada qof iyo cod ah oo la filayo inay ka dhacdo Somaliya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay ka wada haeen muhiimada ay leedahay siyaasad loo wada dhan yahay iyo in laga wada shaqeeyo oo hoggaamiyeyaasha Siyaasada ka wada qeybqaataan.

Kulankan ayaa ka mid ah kulamo maalmihii la soo dhaafay wakiilada beesha caalamka ay ka wadeen dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.