Aabe iyo Carruur uu dhalay oo ku geeriyootay dab ka kacay gurigooda magaalada Baydhabo

0
111

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Aabe iyo Labo Carruur ah oo uu dhalay ay ku geeriyoodeen dab qabsaday guri ay degenaayeen.

Dabka  oo kacay xili habeennimo ah  ayeey wararku sheegayaan in lagu guuldareystay damintiisa, taasoo keentay in ay geeriyoodaan Aabihii guriga iyo Labo wiil oo uu dhalay oo da’dooda lagu kala sheegay 10 sano iyo 8 sano jir.

Laakiin waxaa dabka ka badbaaday oo kaliya Hooyadii Qoyska  waxaana laga deyrinayaa xaalada  caafimaad ee haweeneydan oo haatan xaalad miyir la’aan ah ku jirta.

Waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn ababta keentay dabka hase yeeshee sida ay  sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo,aabaha reerka ayaa ka ganacsan  jirey shidaalka bansiinka loo yaqaan.

Dadkii xaafadda kula noolaa qoyskan ku dhintay dabka ayaa siweyn uga naxay dhacdadan, iyaga oo isugu soo baxay guriga uu dabku qabsaday waxaana ay muragada la qeybsanayeen Hooyada reerka ee ka badbaaday dabka.