Ayax sababay in “garoon ku yaalla Itoobiya ay diyaarad ku digi waydo”

0
93

Ayax aad u badan ayaa diyaarad rakaab ku qasbay in ay qadka bedelato sida maamulka diyaaradaha ee Itoobiye uu sheegay.

Diyaaradda oo ka soo kacday Jabuuti ayaa dooneysay in ay ku degto garoonka magaalada Dirir Dhaba, xilligaas oo duuliyayaasha ay arkeen ayax koronkoro ah oo ku dhacaya matoorka diyaaradda, gaar ahaan qeybta marwaxadaha iyo afka hore.

Waxay isku deyeen in ay ku nadiifiyaan marwaxadaha ay diyaaradda ku duuleyso si uu u kala cararo.

Diyaaradda waxay u jiheysatay dhanka Addis Ababa oo ay ku degtay, sida wararka ay sheegayaan.

Bariga Afrika waxaa hadda weerar adag ku haya ayax duullaan ah oo ah midkii ugu badnaa muddo 25 sano ah, kaas oo dhibaato ba’an ku haya dalaga beeraha.

Ayaxa waxaa suuragal ah inuu hal mar ku dego 1km oo isku wareeg ah, isagoo boqollaal nooc ah. Qiyaas ahaan, 1km oo isku wareeg ahba waxaa ku dega ugu yaraan hal milyan oo ayax ah, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada midoobeey u qaabilsan Beeraha (FAO).

Waxaa jiro bogag sheegaya in waxa Dirir Dhaba lagu arkay aysan ayax ahayn. Warbaahinta Aeronews Global, waxay baahisay sawirka afka hore ee diyaaradda oo uu biixiyay ayax dhintay.