Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay askari qof shacab ah ku dilay Dhuusamareeb

0
107

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada ay gacanta ku dhigeen askari xalay qof shacab ah ku dilay magaalada, iyadoo marxuumka la dilay uu watay mooto bajaaj.

Sida wararku sheegayaan Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/raxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana la sheegay inuu ahaa qof dhagool ah.

Askari ka tirsan ciidanka Nabadsugida ayaa ka dambeeyay dilka, waxaana isla xalay Ciidamada u suura gashay inay gacanta ku dhigaan, kaddibna ay xabsiga u taxaabaan.

Wararka ayaa sheegaya in Mootada uu watay marxuumkaas oo mareysay goob Ciidamada ka ag-dhowaayeen, markii lala hadlay uu maqli waayay, taasna ay sababtay in rasaas ay Ciidamada ku fureen uu u geeriyoodo

Falka dilkan ayaa si weyn u saameysay magaalada Dhuusamareeb oo ay isu diyaarineyso doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in dhowaan ka dhacdo magaalada.