{DAAWO MUQAALKA} Musharaxiin u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo ka cabanaayo Faragilinta DFS

0
78

Sadex kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug oo galabta Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa shaaciyay in ay sameesteen isbaheysi.

Musharaxiinta isbaheysiga siyaasadeed kaga dhawaaqay magaalasa Dhuusomareeb ayaa kala ah C/raxmaan Odawaa , Kamaal Dahir Guutaale  iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka.

Labo kamid ah Musharaxiinta isbaheysiga ku dhawaaqay ayaa katirsan Xisbiyada Mucaarada ee UDP iyo Xisbiga Wadajir halka Musharaxa sadexaadna uu katirsanaa xukuumada Nabad iyo nolol.