{DAAWO MUUQAALKA} Imisa waddan ayaa heysata hubka nuclear-ka, meeqa xabo ayaase taalla adduunka

0
115

Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka.

Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara dunida.

Qaraxyadiisu aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nuclear ahna waxay baabi’in kartaa magaalo dhan.

Qumbuladaha nuclear-ka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan nuclear-ka ahayn

Waxaa jira waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaasoo aan loo oggoleyn inay yeeshaan awoodda nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan.

Waxaa laga yaabaa in aad su’aalo dhowr ah iska weydiiso arrimaha nuclear-ka – laakiin ha walwalin, waxaan isku soo toosinay jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su’aalahaas.

Muxuu yahay hubka nuclear-ka?

HALKAAN HOOSE KADAAWO MUQAALKA