{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Qalabka sida ayaa qarka u saaran Degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

0
165

Cutubyo ka tirsan Guutada 13-aad ee qaybta 21-aad iyo Ciidamada NISA qaybtooda ka howlgasha Galmudug ayaa gaaray deegaanada Galqoryale , barujeed , Xelbaxaay iyo golagole oo dhowaan Kooxo ka tirsan Alshabaab ay dadka Ku cabsi galiyeen .

Ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay gacan Ku heynta deegaanadaasi iyadoo saraakiisha Ciidanka oo dadka shacabka ah la hadley ay u sheegeen in uu soo dhomaadey waqtigii laga cabsan lahaa Kooxda Awoodeedu wiiqantey ee naflacaariga ah .

Taliyaya Guutada 13-aad G/Le Abdirahman Moalim mohamoud “Timadheere” ayaa sheegey in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin ilaalinta nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed isla markaana ay ka go’antahay in ay cadawga ugu tagaan meelaha yar ee uu Ku dhuumaaleysanayo.