{DAAWO SAWIRADA} Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Hargaysa

0
104

Dab weyn ayaa maanta galinkii dambe qabsaday laba guri oo daara oo ku yaalla Xaafada Daami ee Degmada Gacan-libaax.

Dabkan ayaa sidoo kale ku fiday guryo kale, waxaana ciidanku dabkaas ka xakameeyay guryahaas. sababta dabkan dhalisay ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amaanka ee degmada.

Ciidanka ayaa dabkaas ka hakiyay inuu dabkaasi ku fido dhamaan guryaha intiisa kale. Dabkan ayaa sababin khasaare dhaawac iyo mid nafeed. Ciidamada Dab-demiska Taliska dhexe, Macallin Haaruun iyo Maxamuud haybe ayaa dabkaas ka hawlgalay.

Hawlgalkan waxaa ciidanka dab-demiska kala qayb qaatay ciidamada ammaanka iyo maamulka Degmadaas.