{DAAWO SAWIRADA} Kumanaan qof oo baroor-diiq u sameynaya Jen. Suleymaani oo isugu soo baxay Waddooyinka Tehran

0
193

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Tehran, si ay baroor-diiq ugu sameeyaan Jen. Qaasim Suleymaan oo Meydkiisa laga geeyay dalka Iiraan, maalmo kaddib markii duqeyn uu fuliyay Mareykanka lagu dilay oo ka dhacday Baqdaad.

Meydka Jen. Suleymaan ayaa la geliyay naxash lagu xardhay calanka Iiraan, waxaana kumanaanka qof ee isugu soo baxay aaskiisa ku dhawaaqayeen halku dhigyo ka dhan ah Mareykanka iyo Trump.

Waxaa ka qeyb qaadanay baroor-diiqa iyo aaska Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Iiraan iyo Mas’uuliyiinta sare ee Ilaalada Kacaanka.

La Taliye arrimaha Milateriga ee Hoggaamiyaha Iiraan ayaa sheegay inay ka aar-goosan doonaan Mareykanka, isagoo ku hanjabay inay beegsan doonaan xarun Milateri uu leeyahay Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Bariga Dhexe kumanaan ciidan, waxaana saldhig uu ku leeyahay dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraadka iyo Turkiga, waxaana laga cabsi qabaa in Iiraan ay qaado tallaabooyin ka dhan ah saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Donald Trump oo ka hadlayay hanjabaadaha ka imaanaya Iiraan ayaa sheegay in haddii Iiraan ay weerarto Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah ay uga jawaabi doonaan hubka casriga ee ay heystaan.

“Waxaan Iiran kula talinayaa in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa” ayuu Trump ku qoray bartiisa Twiter-ka.

Xiisada ka dhalatay dilka Jen. Qaasim Suleymaan ayaa laga cabsi qabaa inay Bariga Dhexe ka abuurto qalalaase iyo xasillooni daro, haddii Iiraan ay qaado tallaab milateri oo aargoosi ah.