{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Shir ku qabtay Deegaano ay Maamusho Soomaaliland

0
180

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa saraakiil ka tirsanaa ciidamadii hore ee Soomaaliya iyo kuwa hadda ee Puntland kula shiray deegaanka Hadhwanaag oo Sool ka tirsan.

Ilaa hadda ma cadda ujeedka shirkaasi balse dhawr goor oo hore ayaa Axmed Karaash, sheegay in uu gacanta Puntland ku soo celin doono guud ahaan gobolka Sool oo hadda intiisa badan ay ka taliso Somaliland.

Saraakiisha uu la shiray waxa ku jira Generaal Moorgan, oo deegaamada Somaliland si weyn looga yaqaano.