{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Waare oo ku lamao kala dowan kawada Bulalburde

0
183

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan kulamo kula leh Odayaasha dhaqanka magaaladaasi,kuwaas oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.

Kulamadani ayaa u jeedkoodu yahay, sidii xal looga gaari ahaa khilaafka dhinaca maamulka ee ka jira degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan,kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulkaas uu Maamul Cusub u Magacaabey degmadaas,hayeeshee ay kasoo horjeesteen Odayaasha waxgaradka degmada.

Sidoo kale kulamada ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka Bula burde oo ay dalbadeen waxgaradka deegaanka,sida ay sheegeen dad kulanka qeyb ka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa muddo ka badan laba todobaad ku sugan degmada Buulo Burde,isaga oo halkaasi u tegay xalinta khilaafka Maamulka ah balse ay dhaceyn banaanbaxyo looga soo horjeestay.

dhinaca kale Wararka ay hiiraanweyn ay ka heleysi dagmada bulabude ayaa waxa ay shegayaan in Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas ay wadaan qorsho ku aadan in degmada Buulo Burde loo sameeyo Gole deegaan,waxaana qorshahaas kasoo horjeestay Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle .

Xildhibaannadaan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Buulo Burde ayaa waxaa ay sheegeen in wax alaala wixii xasarado ah ee ka dhaca degmadaas ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Hay’adda CRD oo ay sheegeen inay dhaqaalo ku bixineyso qorshaha lagu dhisayo golle deegaan & Madaxda Hir-Shabeelle.

Waxaa ay ugu baaqeen dadka ku nool degmada Buulo Burde inay ka feejignadaan damaca Madaxda Hir-Shabeelle oo ay sheegeen inay yihiin kuwo aan dan ugu jirin Shacabka.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in dadka ku nool BuuloBurde ay u baahan yihiin in Go’doonka laga qaado si ay u helaan adeegyada Bulshada balse aan la aqbaleyn Maamul iyo Golle deegaan oo aan laga wada tashan.