{DAAWO SAWIRADA} Shirka nabad galyada iyo xuduudaha ee DDS iyo Puntland oo ka furmay magaalada Wardheer

0
268

Shirka iskaashiga iyo adkaynta nabad galiyada xuduudaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawlad gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa saakay ka furmay magaalada Wardheer ee xarunta gobalka Doollo.

Taliyaha ciidamada Ethiopia major general Baley Zawdhu, ayaa ka qeyb galay shirkaan, iyadoo dhanka deegaankana ay ka qeyb galeen ku xigeenka hoggaanka nabad galyada Cabdilaahi Maxamed, taliyaha guud ee ciidamada gaarka ah R/komishiner Maxamed Axmed Maxamuud iyo masuuliyiin kale.

Puntland, waxaa uga qeyb galay, Wasiirka arimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha Cabdiqafaar Xaange iyo wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

Shirkaan la iskugu yimid ayaa ka dambeeyay kadib markii ay kordheen falalka nabad gelyo xumada ee kusoo gudba  xuduudaha labada dhinac.

Dowlad degaanku wuxuu dhawaan magaalada Qardheer  ku qabtay gaari lagusoo qariyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay inuu kasoo galay dhinaca Puntland, waxaa sidoo kale jiray in dmabiilayaal dambiyo kasoo gala dhinacooda ay usoo baxsadaan dhinaca degaanada Puntland.

Dhinaca Puntland, waxay qaati ka taagan yihiin maandooriyaha Qamriga oo si aan kala joogsi lahayn loogasoo galiyo dhinaca xuduuda Ethiopia, taasoo abuurtay nabad gal xumo iyo fasahaad bulshada dhexdeeda ah.