{DAAWO SAWIRADA} Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD oo Xafiis ka Furtay dalka Uganda

0
197

Habeennimadii xalay magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa laga daahfuray xafiiska xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” ee dalka Uganda oo ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo u badan arday wax ka barata Jaamacaddaha ku yaala wadankaasi.

Xafladda daahfurka xafiiskan oo ay kasoo qeyb galeen dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dalka Uganda wax ka barta, ganacsato, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xog-hayaha guud ee xisbiga UPD mudane xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, xog-hayaha arimaha dibadda iyo jaaliyaddaha xisbiga mudane xildhibaan Maxamuud C/raxmaan BeeneBeene iyo xog-hayaha diiwaan-gelinta iyo baahinta xisbiga mudane Sh. Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”, ayadoona guddoomiyaha xisbiga UPD madaweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabadda si muuqaal ah kaga qeyb galay qadka Internet.

Siyaasadaha xisbiga UPD ayaa waxaa ka mid ah in jaaliyadaha Soomaaliyeed lagu xiro dalka iyo siyaasaddihiisa, lana baahiyo afkaarta iyo aragtida xisbiga si aqoonyahanka Soomaaliyeed uu qeyb uga noqdo barnaamijyada xisbiga ee lagu samatabixinayo dalka ayadoo dalku uu u socdo nidaamka xisbiyada badan.