Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgalkii Tooratoorow ku qabatay Labo Sarkaal

0
99

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalkii shalay ay kula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku qabteen labo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab iyo 8 maleeshiyo.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la qabtay Garsoorihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Tooratoorow iyo Madaxii Maaliyadda iyo Zakawaatka oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Abuukar.

Waxaa uu sheegay in deegaanka Tooratoorow uu yahay deegaan istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ku lahaayene saldhig weyn oo ay u adeegsan jireen inay ka soo abaabulaan qaraxyada, sidoo kalena uu deegaanka u ahaa goob ay ku qaadi jireen lacago baad ah sida uu yiri.

“Toora Toorow waa dhul istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ay qaraxyada ay dalka ka gaystaan ay ka soo maleegi jireen, marka waa meel aad u muhiim ah, Ciidanka  Danab iyo Dowladda Soomaaliyeedba waxay ballanqaadeen inaanan dib looga soo laaban doonin hadda ka dib deegaan ay ciidamadu qabsadeen”ayuu yiri Ismaaciil Oranjo.

Ciidanka dowladda ayaa deegaankan dhowr jeer oo ay qabsadeen isaga soo baxay, waxaana shantii sano ee u dambeeyay Tooratoorow aheyd meel ay isku gacan dhaafeen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.