FAAHFAAHIN; Nin Oday ahaa oo lagu diley Walanweyn

0
190

Ilo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta  u sheegeen in Nabadoonka oo lagu Magacaabi jirey Axmed Xuseen loogu tegay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyne ee degmada Walanweyn lagu diley.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka dikaasi geystay ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee uu Mareykanka tababarey,kuwaas oo ka yimid dhinaca Balli-doogle,isla markaana meydkiisa ay qaateen,waxaana weli la cadeyn sababta loo diley.

Dadka ku nool degmada Walanweyn ayaa aad uga naxey dilka Nabadoonka,waxaana wararku sheegayaan in saacadaha soo socda ay qaar kamid ah Odayaasha degmada ay aadi donaan dhinaca Xerada Balkli-doogle,iyaga oo dalbanaya in la siiyo meydka.