Hordhac: kulanka Liverpool vs Man United

0
120

Labada kooxood ee ugu guulaha badan Ingiriiska ayaa caawa isaga hor imaanaya garoonka Anfield kulan ka tirsan Premier League, wuxuuna kusoo aadayaa xilli ay marxaladaha labada koox aad u kala fog yahiin.

Reds waxey sameysay rikoor weyn maadaama ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee dhibcaha ugu badan ka hela 21-ka kulan ee ugu horreeya horyaalka maadaama ay heleen 61-dhibcood, sidoo kale wali lagama adkaan tan iyo bilowgii fasalkaan.

Red Devils waa kooxda kaliya ee saddex dhibcood u diiday Liverpool kulamada horyaalka, mar kale ayeyna doonayaan iney dib u dhigaan.

Jurgen Klopp kaliya 2-guul ayuu ka helay Man United 10 ciyaarood uu wajahay, waana kooxda uu ka heysto rikoorka ugu xun marka laga hadlo kooxaha uu wajahay 10-kulan iyo ka badan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Craig Pawson (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Fabinho iyo Matip ay diyaar u yahiin kulanka Man United, labadaan xiddig ee mudada garoomada ka maqnaa ayaa tababar buuxa sameeyay maalmahii lasoo dhaafay, balse waxaan soo laaban doonin Naby Keita, James Milner iyo Dejan Lovren.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga yaabaa inuu waayo Marcus Rashford oo shaki weyn la galinayo inuu ciyaaro kulanka caawa kadib dhaawac dhabarka kasoo gaaray kulankii Wolves, kooxda waxaa horay uga maqnaa Paul Pogba, Scott McTominay.

Eric Bailly ayaa dib ugu soo laabtay kooxda, balse Fosu-Mensah ayaan nasiib u helin inuu dib ugu soo laabto kooxda.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool: 

Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Man United:

De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams; Fred, Matic; Mata, Pereira, James; Martial

XAQIIQOOYINKA:

Red Devils ayaan wax guul ah kusoo gaarin Anfield afartii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan 2-barbaro iyo 2-guuldaro, markii ugu dambeysay oo ay kusoo adkaadaan waxey aheyd January 2016 kulan uu Rooney go’aamiyay oo ka tirsanaa Premier League.

Markii ugu dambeysay oo ay Liverpool martigaliso Man United iyadoo ku fadhisa hogaanka horyaalka waxey aheyd September 1990, markaasna waxaa 4-0 ku adkaaday Reds.

Liverpool ayaa 28-guuldaro oo horyaalka ah kala kulantay Man United, waana in ka badan 8 koox walba oo kale.

Jurgen Klopp kooxdiisa wax guuldaro ah lama kulmin 38-ciyaarood, 33-guul iyo 5-barbaro, waana rikoorka saddexaad ee ugu dheer Premier League.

Kaliya Arsenal iyo Chelsea ayaa heysta rikoor ka dheer (40 iyo 49), waxaana xusid mudan in labaduba ay soo afjartay Manchester United.

Mohamed Salah ayaa ku fashilmay inuu gool dhaliyo ama caawin sameeyo afar kulan uu horay u wajahay Man United isagoo matalaya Liverpool.