Jubbaland oo war ka soo saartay shirka ka socda Magaalada Boosaaso

0
237

Madaxtooyada maamulka Jubaland, ayaa si kooban uga warbixisay, shirka iskaashiga Puntland iyo Jubbaland oo Sabtida maanta ah ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ay weheliyaan wasiirro ka socda labada dhinac, waxaana looga wada-hadlayaa iskaashiga labada maamul, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/21-ka, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka iyo khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan kuwa ay hoggaamiyaan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland oo looga warbixiyay shirkaas ayaa lagu sheegay in uu ku saabsanyahay arrimaha ku qotoma iskaashiga labada maamul goboleed ee dhinacyada amaanka iyo horumarka, sidoo kalena looga hadlayo guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna dib u-eegista Dastuurka KMG ah iyo Sharciyada doorashooyinka iyo Batroolka.

“Shirkan ayaa ah mid ku qotoma iskaashiga labada Dowlad Goboleed ee dhinacyada amaanka iyo Hormarka waxaa kale oo shirkan lagaga hadlayaa Arimaha Siyaasada gaar ahaan dib u eegista Dastuurka Sharciyada Doorashooyinka iyo qaybsiga khayraadka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.