Manchester United Oo Noqotay Kooxdii Ugu Dambaysay Ee Xiisadda IRAN Ay Saamayn Ku Yeelatay Iyo Isbeddellada Qasabka Ah Ee Lagu Sameeyey Qorshihii Kooxda

0
170

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee saamayn buuxda ay ku yeelatay xiisadda u dhaxaysa labada waddan ee Iran iyo Maraykanka, taas oo sababtay in Red Devils ay isbeddel ku samayso safar u qorshaysnaa.

United ayaa hore u qorshaysatay in ay timaaddo Bariga dhexe oo ay ku qaadato tababar dhawr iyo toban maalmood ah oo ka bilaabmaya February 1 oo uu horyaalka premier League fasax yara geli doono illaa laga gaadhayo 17 February oo ay Chelsea kiskaga hor iman doonaan.

Marka ay United la ciyaarto Wolves maalinta ugu horreysa ee bisha labaad ee foodda inagu soo haysa, waxay geli doontaa fasax 15 maalmood ah oo caadiyan ay ku tegi jirtay mid ka mid ah dalalka Khaliijka oo ay kusoo qaadan jirtay hawada diirran iyo tababarro ay iskugu diyaariyaan kulamada xiga, laakiin tababare Solskjaer safarkaasi wuxuu sannadkan uga baaqday xiisadda u dhaxaysa Iran.

Hoyga tababarka ee Aspire Academy ee magaalada Doha ku yaalla iyo magaalada Dubai ayey hore u tagi jirtay United oo ay tababarrada ku samayn jirtay, hase yeeshee tababare Solskjaer oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isbeddel ay ku sameeyeen qorshahoodii safarka ee bariga dhexe.

“Haa, waxa jira arrimo ka baxsan kubadda cagta oo walaac badan igu abuuray. Waxa aanu doonaynay in aanu tagno Bariga Dhexe, laakiin xaqiiqadii hadda ma tegi doono, waxaananu joogi doonaa Yurub.” Sidaas ayuu yidhi tababare Ols Gunnar Solskjaer.

Arrinta Manchester United ayaa soo baxday maalmo kaddib markii uu xafiiska Arrimaha dibedda iyo Barwaaqo Sooranka ee UK uu soo saaray digniin ku socota muwaadiniinta dalkaas oo looga digay inay safarro dalxiis ku tagaan Bariga Dhexe, gaar ahaan waddanka Qatar oo ah meelaha ugu badan ee ay dadka dalkaasi tagaan, iyadoo kuwa joogana lagula taliyey inay taxadar sameeyaan oo ay dhaqdhaqaaqa yareeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United oo Axadda u tegi doonta Liverpool waxay February 1 la ciyaari doontaa Wolves kulanka ugu soo xigaana wuxuu dhex mari doonaa Chelsea February 17, taas oo ka dhigan inay haystaan 15 maalmood oo fasax ah.