Qaasim Suleymaani: 35 ku dhimatay isbuurasho ka dhacday aaskiisa

0
141

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday magaalada Kerman ee dalka Iraan halkasoo maanta lagu aasayay sarkaal sare oo ka tirsanaa milatariga Iran oo ay dhawaan Mareykanka duqeyn ku dileen.

Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in 48 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen isbuurashadaasi.

Malaayiin qof ayaa isugu soo baxday aaska Qaasim Suleymaani oo lagu aasaya magaalada u ka soo jeeda ee Kerman.

Dilkiisa ayaa dhaliyay cabsi ah inuu dagaal dhehxmara Mareykanka iyo Iraan.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu ahaa argagixiso khatar ku ah ciidammada Mareykanka.