Qodobadii looga hadlay kulankii Golaha Aqalka Sare

0
139

Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 30-aad ee ee Golaha Aqalka Sare Ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Tirakoobka  dadka ayaa waxaa shir guddominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayadoo ay goob joog ka ahaayeen  Guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Kulanka Golaha Aqalka Sare waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda Qorsheynt