Safiirka Denmark ee Somaliya oo Muqdisho ka kaxaysatay gabadh Soomaaliyeed oo maalmahaan labaadigoobyay

0
263

Safiirka Denmarka ee Somaliya iyoKenya, Mette Knudsen ayaa maanta oo khamiis ahayd magaalada Muqdisho ka kaxaysatay, Amal Nuur Cusmaan oo ahayd gabadh Somaaliyeed oo haysatay dhalashada Denmark.

Taliyaha ciiddanka booliska Soomaaliya, ayaa maalin kahor shaaciyay in gabadhaan oo la weysanaa muddo labo bilood ay ku jirto gacan ammaan ah, kadib markii hooyadeed ay saxaafada ka sheegtay in ay afduub ku haysteen askar katirsan ilaalada madaxtooyada.

Safiirka Denmark ayaa kula dooday dowladda federalka oo isku dayday inay diido bixitaanka gabadhaan,  in Amal Nuur  Cusmaan ay tahay muwaadinad Daanish ah oo qaan gaar ah islamaarkaana aysan jirin sharci udiidaya in ay ku laabato dalkeeda, haddii aan dambi lagu haysan.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya,  Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyay safarka Amaal, isagoo sheegay in labadii bilood ee gabadhani la weysanaa lagu hayay xerada Xalane.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dowladda federalku ku dadaashay in ay hor istaagto in gabadhaan dalka lagala baxo , laakiin wuxuu caddeeyay in safiirka Denmark la timid qoraalo sharciyad usiinayay inay Amaal u wadato dalka Denmark oo ay ku dhalatay.

“Taliye ku xigeenka booliiska ayaa wareysatay Amal Nuur Cusmaan , si loo ogaado xaqiiqada, waxaana idiin sheegi karaa in Amal iyadu dalbatay in Denmark lagu celiyo, sidoo kale waxay diiday in waalidkeed lala hadal siiyo. Sidaas darteed, Anagana ka dowlad ahaan ma haysanin sabab aan ku hor istaagi karnay safarka  gabadhaas,” ayuu yidhi agaasime Cabdinuur.