Shaxda Rasmiga Ah Ee Wolves vs Liverpool – Ayuu Jurgen Klopp Ku Soo Bilaabay Shaxdiisa Kulanka Adag Ee Caawa?

0
155

Liverpool waxay caawa marti u tahay kooxda Wolves iyagoo rajeynaya inay sii wataan rikoodhkooda guulaha ee isku xigxiga oo haddii ay caawa badiyaan ay noqoneyso kulankii 14aad ee isku xiga.

Kulanka caawa waxay tijaabo adag u tahay Liverpool oo wajaheysa garoon adag oo kooxo badan ay ku soo jabeen xilli ciyaareedkan.

 

Waa markii ugu horeysay abid ee ay Wolves kulan Premier League ah ciyaarto habeen Khamiis ah halka Liverpool ay xilli ciyaareedkan badisay labadii kulan ee ay ciyaareen habeen Khamiis ah.

Fabinho ayaa weli kursiga keydka fadhiya inkastoo uu ka soo laabtay dhaawac uu la maqnaa tan iyo bishii November.

Lovren ayaa taam u noqon waayay kursiga keyd ahalka James Milner iyo Naby Kieta ay dhaawac uga maqan yihiin Reds.

SHAXDA RASMIGA AH:

Wolves XI: Patricio, Saiss, Dendoncker, Coady, Doherty, Jonny, Moutinho, Neves, Neto, Traore, Jimenez.

Keyd: Ruddy, Boly, Gibbs-White, Jota, Giles, Kilman, Ashley-Seal.

Advertisements

Liverpool XI: Alisson, Robertson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Gomez, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Wijnaldum, Mane, Salah, Firmino.

Keyd: Adrian, Fabinho, Minamino, Origi, Matip, Jones, Williams.