Taariikhda Mareykanka iyo Iran oo 70 sano uu u dhexeeyay dagaal afka ah

0
200

Laga soo billaabo afgembigii ay CIA-da Mareykanka abaabushay ee xilka looga tuuray Ra’iisul Wasaarihii Iran, sannadkii 1953 illaa xiisadda iyo colaadda hadda taagan ee Trump uu wajahayo, waa dib u milicsiga in ka badan 65 sano oo xiriirka Iran iyo Mareykanka uu xumaa.

1953: Afgembigii Mosadeq

Laamaha sirdoonka ee Mareykanka iyo Britain waxay abaabuleen afgembi xilka looga tuuray ra’iisul wasaarihii Iran ee sida dimuquraadiga ah lagu doortay, Maxamed Mosadeq, kaas oo ahaa hoggaamiye diini ah oo doonayay in la qarameeyo wax soo saarka shidaalka Iran.

1979: Kacaanka Iran

Ninkii Mareykanka ay taageerayeen ee lagu magacaabay Maxamed Reza Pahlevi ayaa si qasab ah dalka looga saaray, 16-kii January, 1979-kii, ka dib dibadbaxyo socday muddo bilo ah oo looga soo horjeeday maamulkiisa. Waxaa isu soo baxyadaas abaabulay wadaadi ka soo horjeeday xukunkii Pahlevi.

Laba isbuuc ka dib dhacdadaas, waxaa Iran dib ugu noqday hoggaamiyaha ruuxiga ah, Ayatollah Khomeini, kaas oo musaafuris uga maqnaa dalkaas. Ka dib afti dadweyne, waxaa dhalatay Jamhuuriyadda Ismaaliga ee Iran, 1 April 1979.

1979-81: Dhibaatadii dadkii lagu haystay safaaraddii Mareykanka

Safaaraddii Mareykanka ee Tehran waxaa la wareegay dibadbaxayaal, bishii November, sannadkii 1979. Dad u dhashay Mareykanka ayaa gudaha dhismahaas lagu haystay muddo 444 maalmood ah. 52-dii ugu dambeeyay ee la haystayaashaas waxaa la sii daayay bishii January 1981-dii, maalintaas oo ahayd markii xilka loo dhaariyay madaxweynihi hore ee Mareykanka Ronald Reagan.

Illaa lix kale oo ka baxsatay afduubkii safaaradda ayaa si qarsoodi ah looga saaray Iran. Waxaa soo badbaadiyay koox iska dhigtay dad filim sameynayay. Sheekadaas filimkii laga jilayna wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Oscar, sannadkii 2012-kii.

1985-86: Fadeexaddii Iran ee khilaafka sababtay

Mareykanka wuxuu si sir ah hub u geeyay Iran, taas oo la sheegay in uu xukuumadda tehran uga bedeshay sii deynta maxaabiis Mareykanka u dhashay oo u xirnaa ururka Xisbullah ee Lubnaan.

Arrintaas waxaa si sharci daro ah loogala shaqeeyay mucaradkii dalka Nicaragua, taas oo dhibaato siyaasadeed u geysatay madaxweyne Reagan.

1988: Diyaarad Rakaab ee Iran oo la soo riday

Markabka dagaalka Mareykanka ee USS Vincennes wuxuu soo riday Diyaaradda rakaabka ahayd pp Iran lahayd, taas oo ku dhacday Gacanka Carabta, 3-dii July 1988. Waxaa ku dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay 290 qof. Mareykanka wuxuu sheegay in diyaaraddaas oo nooceedu ahaa Airbus A300 la mooday ay diyaarad dagaal tahay.

Dadka ku dhintay waxay u badnaayeen kuwa u socday magaalada barakeysan ee Makah oo ay xajka u aadayeen.

2002: ‘Barta xumaha’

Hadalkiisii uu dadweynaha kula hadlayay, madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush wuxuu Iran ku tilmaamay “barta xumaha” isagoo barbar dhigay Ciraaq iyo Kuuriyada Waqooyi. Hadalkaas waxaa aad uga carooday dadka Iran.

2000s: Cabsida nukliyeerka iyo cunnaqabateynta

Sannadkii 2002, koox mucaarad ah oo Iran u dhalatay ayaa shaaciyay in wadankooda uu si qarsoodi ah u sameysanayo hub nukliyeer ah.

Mareykanka ayaa dhankiisa Iran ku eedeeyay in si qarsoodi ah ay u bacrimineyso macdanta Uranium oo nukliyeer ay ka sameysanayso, taas oo Iran ay beenisay. Waxay arrintaa dhalisay illaa 10 sano oo hab dublimaasiyadeed ah iyo isku deyo Iran lagula hadlay oo ay sameysay laanta la socodka hubka nukliyeerka ee Qaramada Midoobeey.

Laakiin, dhowr goor ayey Qaramada Midoobeey, Mareykanka iyo Midowga Yurub, Cuna-qabateyn saareen Iran, xilligii dowladdii Maxamuud Axmadinajad. Taas waxay sababtay in qiimaha lacagta Iran uu aad hoos ugu dhaco, laba sano gudahood.

2013-2016: Xiriir dhow iyo heshiis nukliyeer

Bishii September, bil ka dib markii la doortay madaxweynaha qunyar socodka ah ee Iran, Xasan Ruuxaani, isaga iyo madaxweynihii Mareykanka, Barack Obama, waxay ku wada hadleen khadka telefoonka – waxay ahayd markii ugu horreysay, muddo 30 sano ah oo laba hoggaamiye oo Iran iyo Mareykanka kala matalaya ay wada hadlaan.

2015-kii ,ka dib dhaqdhaqaaqyo xoog leh oo diblumaasiyadeed, Iran waxay aqbashay heshiis muddo dheer soconaya oo la xiriiray hubkeeda nukliyeerka. Waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa Mareykanka, Britain, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka.

Heshiiska waxaa ka mid ahaa in Iran ay aqbashay yareynta dhaqdhaqaaqeeda nukliyeerka iyo in kor joogto caalami ah ay u ogolaato in dalkeeda ay ku noqdaan ayna la socdaan hubkeeda, taas waxaa looga badashay in cunaqabateynta dhaqaalaha laga fududeeyo.

2019: Qalalaasaha Gacanka carabta

Bishii May 2018-kii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran, wuxuuna dib u soo celiyay cunaqabateynta dhaqaalaha ee dalkaas saaran. Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in tallaabo midaa la mid ah uu ka qaadayo dalalka iibsada shidaalka ay Iran soo saarto. Ka dib, dhaqaalaha Iran ayaa xaalad adag galay.

Xiriirka Iran iyo Mareykanka ayaa sii xumanayay tan iyo bishii May 2019-kii, markii Mareykanka uu aad u adkeeyay cunaqabateynta saaran Iran, isagoo si gaar ah u eegtay dhoofinta shidaalka ee dalkaas. Iran waxay dhankeeda bilowday olole ay cadaadiskaas isaga caabineyso.

Bilihii May iyo June, 2019, waxaa qaraxyo la kulmay lix markab oo shidaalka qaada kuwaas oo marayay Gacanka Cumana. Mareykanka ayaana tallaabadaas ku eedeeyay Iran.

“20-kii bishii June, ciidamada Iran waxay soo rideen diyaarad uusan duuliyaha saarneyn ee Drone-ka ah ee Mareykanka uu leeyahay. Mareykanka wuxuu sheegay in diyaaraddaas ay mareysay hawada biyaha caalamiga ah, balse Iran waxay ku doodeysaa in dhulkeeda ay ku soo xadgudubtay.

Bishii July waxaa dib u bilowday go’aamada iyo ka go’naanshaha dib u soo celinta heshiiskii Nukliyeerka.

2020: Dilka Qaasem Suleymaani

3-dii bishan January 2020, waxaa duqeyn lagu dilay Taliyihii ugu sareeyay ciidamada Iran, Qaasin Suleymaani. Diyaarad drone ah oo Mareykanka uu leeyahay ayaa ku duqeysay gudaha dalka Ciraaq. Iran waxay ku hanjabtay “aargudasho adag”, waxayna ka baxday heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii.

XIGA SHOBBC