Taliyaha ciidamada AFRICOM General Townsend oo beeniyay in lagu diley weerarkii Lamu

0
198

Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africa AFRICOM generl Stephen Townsen ayaa si kulul u beeniyay war ay baahiyeen warbaahinta taageerta Alshabaab oo ahaa inuu ka mid ahaa askar lagu diley askar weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalk kenya.

General Townsend ayaa qoraal uu soo saaray goordhow waxa uu ku tilmaamay wararka geeridiisa sheegaya kuwo been abuur ah.

“Wararka ku saabsan dhimashadeyda waa kuwo si weyn loo buun-buuniyey. Tani mar kale waa tusaale muujinaya beenta iyo dacaayadda ka imanaya Al-Shabaab iyo asxaabteeda xun, sida Iran iyo kuwa u shaqeeya,”

Warkan ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay kala shaqeeyaan saaxibadeeda sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada.

Weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhiga ku yaal gudaha Kenya ayaa waxaa Maraykanku qireen inuu kaga dhintey hal askari iyo laba qandaraaslayaal Mareykan ah, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen weerarka 17 askari oo Maraykan ah iyo lix askari oo Kenyan sidoo kalana ay ku gubeen illaa 7 diyaaradood.