Uganda oo Ciidamo howlgab noqday u soo diraysa Soomaaliya.

0
74

 

Dowladda Uganda ayaa shalay isugu yeertay Ciidankeeda howlgabka noqday ee ka fariistay howlaha Ciidamada dalkaasi iyyadoona sheegtay in ay Soomaaliya usoo direyso.

Jeneraal Charles Otema Taliyaha Ciidanka Keydka difaaca Dalka Uganda ayaa sheegay in ay u yeereen askar gaareysa 2,500 oo Askari kuwaas oo loosoo daabulayo Soomaaliya si ay kaabe ugu noqdaan Ciidamada dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sido kale Ciidamada loo wacay ee Uganda ay dooneyso in ay Soomaaliya usoo dirto ayaa da, doodu ugu yartahay 55 jir iyadoona aan daraja ahaan ka sarreeyn Gaashaanle kuwaas oo gaaraya 2500.