WAR DEG DEG AH; Dil Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

0
297

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Nin la sheegay inuu saarnaa Mooto Bajaaj.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis, isla markaana Askari halkaas ku sugnaa uu toogtay Ninka saarnaa Mooto Bajaajta.

Ninka la dilay ayaa wararka waxaa ay sheegayaan inuu watay Qori AK47, hayeeshee uusan wadanin dareeska Ciidan.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ku sugan Askar ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda, isla markaana halkaas ku leh bar Koontarool oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan lagu hubiyo.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Ninkaas, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu watay Qori AK47.