Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Caawa Oo Khamiis Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

0
151

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo ayaa furan iyadoo kooxaha ay baadigoob ugu jiraan xiddigihii ay isku sii adkeyn lahaayeen qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Sida aad uga barateen shabakada Laacib waxay idiin soo gudbineysaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay qoreen warbaahinta Yurub. Waxaan caawa oo Khamiis ah idiin soo gudbineynaa heshiisyada la dhameystiray caawa iyo wararkii ay qoreen warbaahinta Yurub.

 

RASMI: Kooxda Turkiga ee Antalyaspor ayaa xaqiijisay saxiixa weeraryahanka Jarmalka Lukas Podolski oo ka soo tagay horyaalka Japan.

RASMI: Kooxda Aston Villa ayaa la saxiixatay da’ yarka kooxda Barcelona Louie Barry oo ay kula wareegeen  hal milyan iyo 48 kun euro lix bilood ka dib markii uu 16 jirkaan ka tagay West Brom kuna biiray Barcelona.

 

Chelsea ayaa dib u bilowday wadahadalka saxiixa weeraryahanka kooxda Lyon Dembele ka dib markii ay ogaadeen inay adkaan doonto inay amaah ku helaan weeraryahanka Paris Saint-Germain Edison Cavani sida ay qortay jariirada The Sun.

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay wadahadal ugu jirto saxiixa Eric-Junior Dina Ebimbe xagaaga danbe. Sida ay sheegtay Get French Football News kooxda Red Devils ayaa dooneysa inay la soo wareegto xiddiga Paris Saint-Germain.

19 jirkaan ayaa amaah ku jooga haatan kooxda heerka labaad ee Faransiiska Le Havre, laakiin waxa uu PSG qandaraas kula jiraa ilaa iyo 2013.

 

Kooxda Valencia ayaa eegeysa xaalada Dani Ceballos ee kooxda Arsenal iyadoo xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid uu doonayo inuu soo gaabiyo amaahda uu ku joogo Emirates Stadium.

Ceballos ayaa u baahan inuu qeyb ka noqdo xulka Spain ee ka qeyb galaya koobka Euro 2020, sidaasi darteed wuxuu doonayaa koox uu boos joogta ah ka heli karo.

 

Wadahadalkii Man United iyo Sporting Lisbon ee saxiixa Bruno Fernandes ayaa gabi ahaanba burburay ka dib markii ay labada kooxood isku fahmi waayeen farqiga 10ka milyan ginni ee u dhaxeeya ee qiimaha ciyaaryahanka.

Fernandes ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Man United, laakiin lacagta ay dalbaneyso Sporting ma ahan mid ay Red Devils diyaar u tahay inay bixiso.

 

Arsenal ayaa wadahadalo ugu jirta saxiixa Mykola Matviyenko kaasoo tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu doonayay inuu geeyo Man City markii uu caawiye tababare ka ahaa, sida uu xaqiijiyay wakiilka ciyaaryahanka Yuriy Danchenko, kaasoo sheegay in muddo isbuuc ah ay socdeen wadahadalada saxiixa daafaca dhexe ee Shakhtar Donetsk.

 

Weeraryahanka Boca Juniors Carlos Tevez oo 35 sanno jir ah ayaa dib ugu laaban kara Manchester United sida ay sheegtay jariirada Talyaaniga ee Tuttusport.

Red Devils ayaa raadineysa weeraryahan ay muddo gaaban ku bedesho xiddiga ka dhaawacmay ee Marcus Rashford.

 

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in wadahadalada u dhaxeeya kooxaha Real Sociedad iyo AS Roma ee Adnan Januzaj inay marayaan marxalad sarre.

Heshiiska ayaa ah mid amaah ah oo ay Roma kula wareegeyso Adnan Januzaj iyagoo xagaaga ku iibsan kara 18 milyan euro, boqolkiiba 30 lacagtaas waxaa qaadan doonta kooxda Manchester United.

 

Sida ay sheegtay jariirada La Gazzetta dello Sport ee dalka Talyaaniga xiddiga khadka dhexe ee Juventus Emre Can ayaa ku dhow inuu u wareego kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund.

Dortmund ayaa diyaar u ah inay dalabkii ugu horeysay u gudbiso kooxda Serie A ka dhisan.

 

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay la saxiixato xiddiga khadka dhexe ee AC Milan Lucas Paqueta, si kastaba labada kooxood ayaan weli wax heshiis ah gaarin.

Kooxda Talyaaniga waxay dooneysaa inay ugu yaraan dib u soo ceshato 35tii milyan euro ee ay ka bixiyeen xiddiga reer Brazil laakiin PSG ayaa kaliya ku dalbaneysa 20 milyan euro.