Xasuusta dagaalkii Biafra ee Nigeria oo dad badan ay door bidayaan in la illoobo

0
84

Geerida in ka badan 1 malyan oo qof, oo ku dhimatay dagaalkii sokeeye ee Nigeria, oo dhammaaday 50 sano ka hor waxay cambaar ama bar madow ku tahay taariikhda dalkaas.

Marka si guud looga hadlayo dadka reer Nigeria, dagaalkaas oo ka qarxay abuurista dowladdii Biafra, waxay u arkaan nasiib darro soo martay waddanka oo ku habboon in la iska illoobo, laakiin dadka kasoo jeeda qowmiyadda Igbo, oo u dagaallamay inay maamulka la wareegaan, waxay dhacdadaas u tahay mid lagu aqoonsado.

Sanadkii 1967-kii, markii ay dhaceen labo afgambi iyo qalalaase sababay in qiyaastii 1 malyan oo qowmiyadda Igbo ah ay ku laabtaan koonfurta-bari ee Nigeria, jamhuuriyadda Biafra waxay ku dhawaaqday gooni u goosad, iyadoo uu hoggaaminayay 33 jir milatariga ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Emeka Odumegwu Ojukwu.

Dowladda Nigeria ayaa durba ku dhawaaqday dagaal, ka dib 30 bilood oo uu dagaalkaas socdayna, Biafra way isdhiibtay. 15-kii bishii January ee sanadkii 1970-kii ayuu dagaalkii u istaagay si rasmi ah.

Go’aankii ay dowladda soo saartay ee ahaa “in aysan jirin cid dagaalkaas ku guuleysatay ama ku guul darreysatay” ayaa laga yaabaa inuu dad badan illowsiiyay xasuusta musiibadaas, laakiin dadka reer Nigeria ee asal ahaan kasoo jeeda qowmiyadda Ifbo ayaa kusoo koray iyagoo sheekooyinka noocaas ah ka dhageysanaya dadkii noolaa xilligii uu dagaalkaas socday.

Saddex ka mid ah dadkii kasoo qeyb qaatay ayaa jiilalka xigay la wadaagayay xasuustooda.

‘Waxaan isu maleyneynay inaan nahay dad wax indhasarcaadiya’

Ninkan xilliga uu dagaalka qarxayay wuxuu markaas uun ka qalinjabiyay iskuul uu ka dhiganayay naxwaha ingiriiska, wuxuuna billaabay tababar dhinaca caafimaadka xoolaha ah oo uu ku qaadanayay jaamacadda Nigeria(UNN), si uu gacan kare ugu noqdo dhakhtar xoolaha daweeya.

Inta badan ardaydii uu yaqaannay waxay ku biireen dagaalka

Presentational white space

Isaga laftiisa wuxuu ka mid noqday ciidamadii xukuumadda Biafran, kuwaasoo uu jaajuus u noqday.

“Ciidamada dowladda Nigeria ee nala dagaallamayay waxay ahaayeen askar tababar fiican leh… annagana labo maalmood ayaa tababar naloo sameeyay, dagaalka ayaana nalagu dhex tuuray”, ayuu yiri Christopher Ejike Ago.

“Waxaan u maleyneynay inaan nahay dad indhasarcaad wax ku sameeua,” ayuu yiri Mr Ago, oo hadda 76 jir ah.

Presentational white space

Bishii January ee sanadkii 1966-kii, qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee milatariga Nigeria, oo badankood ay asal ahaan kasoo jeedeen qowmiyadda Igbo, ayaa dilay siyaasiyiin waaweyn intii lagu guda jiray afgambigii ka dhacay waddankan ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika.

Dadka la khaarajiyay waxaa ka mid ahaa Ahmadu Bello, oo ahaa hoggaamiye si weyn looga yaqaannay, oo kasoo jeeday waqooyiga Nigeria.

Arrintaas waxay sababtay xasuus bilo socday oo loo geysanayay dadka reer Igbo ee ku noolaa dhinaca Waqooyi. Tobannaan kun oo ruux ayaa la dilay halka qiyaastii hal malyan oo kalena ay u carareen gobolka markaas loo yaqaannay Bariga.

Dhacdooyinkan waxay horseedeen in dadka kasoo jeeda qowmiyadda Igbo ay go’aansadaan gooni u goosad.

Sanadkii ugu horreeyay ee dagaalka, dowladda Nigeria waxay qabsatay magaalo xeebeedka Port Harcourt, waxayna hirgalisay go’aamin adeegyada cuntada looga jaray maamulka Biafra.