Xiddig Kale Oo Muhiim Ah Oo Manchester United Kaga Dhaawacmay Kulankii Norwich City

0
80

Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu war geliyey xogta dhaawaca soo gaadhay mid ka mid ah xiddigihiisa ugu muhiimsan oo uu dhaawac gaadhay kulankii Sabtidii ay 4-0 ku xasuuqeen Norwich City.

Manchester United ayaa jidka guusha kusoo laabatay, waxaanay si buuxda u xoreysatay booskeeda kaalinta shanaad iyadoo ku daba jirta Chelsea oo afraad fadhida, waxaana nefis ay ka heshay Tottenham oo hal dhibic ka hoosaysay laakiin ay Liverpool u xambaarisay guul-darro, taas oo siisay firaaqo afar dhibcood ah.

Tababare Solskjaer ayaa inkasta oo uu guuleystay, waxay haddana u ahayd maalin kale oo niyad-jab ah oo uu waayayo mid ka mid ah xiddigihiisa muhiimka ah oo uu ku biirayo liiska dheer ee dhaawacyada ee ay hore ugu jiraan Paul Pogba, Harry Maguire, Scot McTominay iyo xiddigo kale oo tiro badan.

Difaaca bidix ee Luke Shaw ayaa laga saaray safka koowaad ee Manchester United oo qorshuhu ahaa inuu kusoo bilowdo, waxaana lagu beddelay da’yarka Tahith Chong, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay tababarkii iskululaynta ee garoonka gudihiisa ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin.

24 jirkan ayaa waxa la ogyahay in kulanka Manchester City ee Arbacada uu seegi doono, sidoo kalena la daraasayn doono kulamada suurtogalka ah ee uu seegi doono.

Dhaawacan ayaa madax-xanuun ku ah tababare Solskjaer oo kulankiisii ugu dambeeyey aan liiska kooxdiisa kusoo darin Ashley Young oo la filayo in maalmaha soo socda uu u wareego Inter Milan.

Shaw waxa waqtigiisa Manchester United hadheeyey dhaawacyo, waxaanu xili ciyaareedkan u saftay 11 kulan oo kaliya.