Xiddig muhiim ah oo maanta ka maqnaan doona Kooxdiisa Dekedda kulanka ay wajahayso Rajo FC

0
83

 

Kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa galabta waxay la dheeli doonta naadiga Rajo FC, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Wiilasha Yuu Cali ee Dekedda waxay galabta wayn doonaan xiddigooda difaaca ugu ciyaara Idiris Aamiin Cali, kaasoo qaba dhaawac canqawga ah.

Xiddigan ayaa dhaawacan uu ka soo gaaray kulankii ay Kooxdiisa guusha ka gaartay naadiga Gaadiidka, ciyaar dhacday 01/01/2020 ee maalintii ugu horreysay sanadkan.

Idiris Aamiin ayaa kooxda Dekedda waqti fiican ka qaadanaya isagoo muddo 7 sano ku sugan kooxdan, wuxuuna ugu soo biiray naadiga Elman, inkastoo uusan kulan caalami ah u ciyaarin Kooxda Elman.

Kaliya Kooxda Elman wuxuu daafacan u ciyaaray kulamo saaxiibtinnimo.

Laacibkan ayaa ka hadlay xaaladda dhaawiciisa isagoo yiri: “Ilaah baa mahad leh, hadda waan ka fiicanahay sidii hore, balse waxaan dareemayaa xanuun yar, kooxdeyda way ii dadaashay waxay i geysay Isbitaal si ay u ogaadan dhaawac aan qabo, balse waa mid fudud dhaawaca.”