Bayern Munich Oo 75 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddig Aanay Liverpool La’aantii Socon Karin Iyo Hal Arrin Oo Reds Ku Qasbaysa Inay Iibiso

0
133

La’aantii way dhibaatoon doontaa, gun iyo baarna dadka naadiga joogaa way og yihiin in Liverpool aanay sii ahaan karin kooxda ay hadda tahay ee hoggaanka horyaalka Premier League ku haysa 22-ka dhibcood.

Marka uu suuqa xagaaga soo aaddan furmo, Liverpool waxa duullaan ku noqon doona mid ka mid ah kooxaha jeebaddu u qoyan tahay, waxaanay ka doonayaan laacibka xidhiidhiyaha u ah ee cid walba isku raacsan tahay in uu yahay tiir-dhexaadka iyo biriijka xidhiidhiiya ciyaaryahannada garoonka dhexdiisa.

Sadio Mane ayaa xagaagii suuqa lasoo geliyey in Real Madrid ay aad u xiisaynayso si uu ugu buuxiyo booskii Cristiano Ronaldo, laakiin waqti dambe waxay uga leexatay dhinaca Eden Hazard oo ay 120 milyan oo Euro kaga soo qaadatay. Barcelona ayaa iyaduna ka mid ahayd kooxaha xiisaha u muujiyey Mane.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa isagana la tebiyey in Barcelona iyo Real Madrid ay xiisanayaan, laakiin labadooda midna hadda sheekadu ma taagna.

Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa waxa uu kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee kooxda reer Germany ee Bayern Munich oo dul dhigtay lacag dhan £75 milyan oo Gini.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa England, Bayern Munich ayaa dalab xooggan hor dhigi doonta Liverpool waxaanay ku cadaadin doontaa inay u fasaxdo xiddiga reer Brazil oo ka sokow goolasha uu dhaliyo shaqo weyn oo kale ka qabta khadka dhexe illaa heer difaac.

Munich ayaa waxay markii hore doonaysay inay weerar ku qaaddo Manchester City oo ay kasoo qaadato Leroy Sane, hase yeeshee waxay qorshaynaysaa in Liverpool na ay kusii darto oo ay kasoo qaadato Roberto Firmino.

Heshiiska uu Roberto Firmino kula jiro Liverpool ayaa waxa ka hadhsan wax ka yar sannad iyo badh, waxaana illaa hadda aan jirin ifafaale socda oo muujinaya in uu heshiiska cusboonaysiin doono.

Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta inay Firmino ka iibiso Bayern Munich haddii ay ku fashilanto inay heshiis cusub ka saxeexdo illaa xagaaga, si ay uga baaqsato in xagaaga dambe uu si xor ah uga tago, laakiin dhibaatada heshiisyadu waxay gaadhsiisan tahay illaa Sadio Mane oo isagana sannad iyo badh ay ka dhiman tahay qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, duullaanka Bayern Munich ayaa waxa uu haystaa gol-jilic ay ka dhaawici karto Liverpool oo ah in ay Firmino ku qanciso in aanu qandaraas cusub u saxeexin, iyadoo u ballan-qaadaysa mushahar badan oo ku riixa in uu mustaqbalkiisa ula safro Germany.