Ciidanka Amniga Ka Maamulka Somaliland oo qabtay Nin deegaanka Lughaya kufsi iyo dil iskugu daray gabadh yar

0
161

Degmadda Lughaya ee gobolka Awdal ayaa nin kufsi iyo dil iskugu daray gabadh yar oo 15 jir ah, kaasi oo ciidanka amnigu sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi ku kacay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dadka ka yaabisay, taas oo argagax ku noqotay dadka deegaanka.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka Booliska Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa shaqadii ciidanka ka eryey askari gacan saaray qof dumar ah, taas oo baraha bulshada laga siidaayey muuqaal kooban oo laga duubay markii askarigaasi dhirbaaxayey qofka dumarka ah.

Qoraal uu taliyaha ciidanka boolisku ku qoray barta ay ku leeyihiin baraha bulsahda ayaa lagu sheegay in askarigaasi laga qaaday talaabo sharciga waafaqsan.

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood.Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Taliyaha booliska Somaliland mudadii uu xilka hayey waxa uu qaaday talaabooyin shacabku soo dhoweeyeen, ka dib markii uu sharciga la tiigsaday askari ku kacday falal bani’aadanimada ka hor imanaysa.