{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamo Lagu soo Tababaray Turkiga oo Manta ku soo laabtay Magalada Muqdisho

0
211

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Cutubyo katirsan Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Gor-Gor kuwaa oo Tababar gaar ah Kusoo Qaatay dalka Turkiga.

Ciidankaan ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka Turkiga.

Ciidankaan ayaa horay tababar ugu qaatay Xeradda Turkiga ee ku taalla Muqdisho oo lagu tababaro Ciidanka kala duwan ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa xusay in DFS ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha Ciidanka Xoogga.

HAALKAAN HOOSE KADAAWO MUUQAALKA